Mareykanka oo UK ku tilmaamay saaxibka ugu weyn ee ay leedahay.

0
80

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxweyne Biden ayaa ku tilmaamay xiriirka kala dhexeeya Britain inuu yahay mid adag intii lagu jiray wadahadal uu London kula yeeshay ra’iisul wasaaraha Britain, Rishi Sunak.

Isaga oo la kulmaya Raysulwasaraha UK ka hor shir-madaxeedka sanadlaha ah ee NATO oo Talaadada ka dhacaya Lithuania, Mr Biden wuxuu sheegay in uusan yeelan karin saaxiib kaweyn UK.

Afhayeen u hadlay UK ayaa sheegay in Britain ay doonayso in ay kala shaqeyso Maraykanka iyo xulafada kale wadada ay Ukraine ugu biiri karto NATO.

Mr Biden wuxuu kaloo wadahadal la yeeshay Boqor Charles.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here