Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Gudoomiye kuxigeenka Ururka Haweenka G/SH/DHXE Ruqiyo C/dulle Cali ayaa ka codsatay odoyaasha dhaqanka iyo Maamulka sare Ee Hirshabelle in la dardargaliyo dhisida golaha deegaanka degmada Jowhar madaama uu ku yimid dib udhac ayna rajeynayaan ka haween ahaan in lagu dhaqaaqo dhisidiisa si haweenka ay isaga dhex arkaan doorka haweenka ee golaha deegaanka.
Warbixintan Waxaa Inoo Soo Jeedineysa : – Maryama Shiikh Cabdi.