Xulka Qaranka England Oo Ku Guuleystay Tartanka Qaramada Yurub

0
83

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xulka qaranka England ayaa ku guuleystay Koobka qaramada Yurub oo ay finalkiisa ku garaaceen Spain oo ay kaga dul-tallaabsadeen 1-0, kaas oo ay ka qatanaayeen muddo 39 sannadood ah.

Xiddiga Manchester City ee Cole Palmer ayaa laad xor ah oo kusii dhacay xiddiga Liverepool ee Curtis Jones waxa uu ku hubsaday shabaqa, sidaas ayaanu xulka qaranka England ugu guuleystay tartanka Euro 2023 ee ciyaartoyda ay da’doodu ka hoosayso ee U21.

Xulka qaranka Spain ayaa helay rikoodhe lix daqiiqadood oo dheeraad ahaa oo lagu daray ciyaarta, balse ka khasaariyey Abel Ruiz oo uu ka badbaadiyey goolhaye James Trafford oo laba jeer kubadda lagu celiyey, isaga oo rikoodh cajiib ah oo ah ka sameeyey tartanka oo shabaqadiisa uu nadiif ka dhigay.

England ayaa hore ugu guuleysatay tartankan laba jeer oo ahaa sannadihii 1982kii iyo 1984kii, waxaana laga joogaa 39 sannadood waqtigoodii ugu dambeeyey. Jiilka dahabiga ah ee England ayaa waxay soo afjareen inkaarta xulkooda ka haysatay koobkan.

Qaybtii hore ayaa uu garoonka qas ka abuuray, waxaana kaadh casaan ah la siiyey Ashley Cole oo si waalli ah ugu dabbaal-degay goolka, kaddibna ay isku dhaceen shaqaalaha tababarka ee xulka qaranka Spain.

Guusha xulka qaranka England ayaa waxa ku ladhna rikoodh cajiib ah, iyaga oo wada badiyey dhamaan kulamadii ay ciyaareen iyaga oo aan hal goolna laga dhalin intii uu tartanku socday.

England ayaa waxay hore usoo garaacday Czech Republic, Isreal, Germany, Portugal iyo Spain oo ay finalka iskugu yimaaddeen.

Intii uu tartanku socday ayaa waxa uu xulka England dhaliyey 11 gool, halka iyagana aan wax goolal ah laga dhalin oo uu goolhaye James Trafford uu shabaqiisa nadiif ka dhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here