Cunto kariyaal Udhashay Talyaaniga oo ku muransan baastada laga sameeyo warriiqa.

0
120

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Qol yar oo u dhow buuraha Alps ee waqooyiga Talyaaniga, waxaa ku yaal warshad yar oo lagu magacaabo Beerta ‘Cricket-ka’ ama Warriiqa Talyaaniga.

Halkan, malaayiin Wariiq ayaa loo beddelaa waxyaabaha lagu daro cuntada maalin kasta.

Goobtan ayaa lagu kariyaa oolahaan, kadibna taalagad ayaa la galiyaa kidibna lagu qalajiyaa halka ugu dambeyn laga dhigo budo.

Daqiiqda khafiifka ah ayaa waxaa loo isticmaali karaa in lagu daro ama laga sameeyo cuntooyin kala duwan sida baastada, rootiga, canjeelada, doolshaha, iyo xitaa cabitaannada jimicsiga.

Iyadoo cunista cayayaanka ay caado ka ahayd qaybo ka mid ah dalalka Aasiya inka badan kumanaan sano, dadka kunool Yurub ayaa intooda badan kacaga- jiidaya cunista cayayaanka.

Talyaaniga, gaar ahaan, wuxuu muujiyay diidmo weyn oo ku wajahan cunista Cayayaanka . Dawladdu waxay qaadday tillaabo ay kaga mamnuucday in cayayaanka lagu daro pizzada iyo baastada. Si kastaba ha ahaatee, dhowr soosaarayaal Talyaani ah ayaa ka shaqeynayay sidii ay u hagaajin lahaayeen cuntooyinka sida baasto iyo cunto fudud ee laga sameeyo cayayaanka Warriiqa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here