Manchester United Oo Ku Guuleysatay Saxeexa Xiddigii Uu Erik Ten Hag Telefoonka Kula Hadlay

0
54

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester United ee Erik ten Hag ayaa lagu soo warramayaa in uu si toos ah ula xidhiidhay xiddig uu doonayo inuu kusoo kordhiyo kooxdiisa xagaagan, kaas oo uu ku aamini waayey masuuliyiinta naadiga u qaabbilsan dhinaca suuqa.

Erik ten Hag ma doonayo in uu ku yimaaddo dibu-dhac qorshihiisa suuqa, waxaana uu bilaabay inuu ka caawiyo masuuliyiinta suuqa sidii ay u qancin lahaayeen ciyaartoyda ay doonayaan inay la saxeexdaan, si aanay ugu dhicin sidii Frenkie de Jong oo xagaagii hore ay ku guul-darraysteen inay la saxeexdaan iyadoo uu xiddiga Barcelona ahaa bartilmaameedka ugu weyn ee Erik ten Hag.

Sida uu qoray wargeyska Gazzetta dello Sport ee kasoo baxa waddanka Talyaaniga, tababare Erik ten Hag ayaa la xidhiidhay goolhayaha kooxda Inter Milan ee Andre Onana oo uu ku qanciyey inuu yimaaddo Old Trafford isaga oo u sharraxay sida aanay u jirin cid la tartami karaysa iyo goolhaye kale oo ku cidhiidhin karaya booska goolhayaha koowaad ee kooxda, maadaama uu kooxda ka tegay David De Gea oo ay fasaxeen.

Manchester United ayaa la sheegay in ay heshiiska shaqsiga ah ee goolhaye Andre Onana dhamaystirtay, waxaanay hadda diyaarinayaan dalabkii saddexaad ee ay ka gudbinayaan kaddib markii ay Inter Milan diidday laba dalab oo hore oo ay Red Devils gaadhsiisay.

Dalabkii ugu dambeeyey ee Manchester United ay ka gudbiso Onana ayaa ahaa €50 milyan oo Euro, balse Inter Milan ayaa dalbanaysa €60 milyan oo Euro, waxaanay wararku sheegayaan in ay labada kooxood ku dhamayn doonaan heshiiska Andre Onana €55 milyan oo Euro.

Goolhayaha reer Cameroon ee Andre Onana ayaa xilli-ciyaareedkii tegay waxa uu noqday xiddigii ugu fiicnaa Inter Milan isaga oo 41 ciyaarood oo uu saftay aan wax goolal ah laga dhalinin 19 ka mid ah oo uu shabaqiisa nadiif ka dhigay, waxaana uu ka caawiyey inay yimaaddaan finalka Champions League oo ay Man City kaga adkaatay 1-0.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here