“Chelsea Way Qoomamayn Doontaa Iibinta Mason Mount” – Blues Oo Loo Diray Digniin Culus

0
57

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda kubadda cagta Chelsea waa ay qoomamayn doontaa in ay iibiso xiddigeedii khadka dhexe ee Mason Mount oo maanta ay si rasmi ah usoo bandhigtay Manchester United oo uu heshiis shan sannadood ah u saxeexay.

Arbacadii maanta ayay Manchester United ku dhawaaqday inay £60 milyan oo Gini kaga soo iibsatay Chelsea oo uu muddo 18 sannadood  ah ka tirsanaa, isaga oo carruurnimadiisii kusoo biiray oo uu heerarka kala duwan ee kulliyadda Blues marba mid usoo dallacayay.

24 jirkan ayaanay bixitaankiisa ku farxin taageereyaasha Chelsea iyo tababarahooda cusub ee Mauricio Pochettino oo jeclaan lahaa in uu sii hayso, laakiin laacibkan ayaa gaadhay go’aanka ah in uu tago.

Chelsea oo ay hore uga tageen Kalidou Koulibaly, Roben Loftus-Cheek, N’Golo Kante, Mendy iyo ciyaartooyo kale xagaagan, ayaa waxay qoomamayn doontaa in ay iibisay Mason Mount, sida uu sheegay halyeygii Manchester United ee Rio Ferdinand.

Qoraal uu bartiisa Twitter-ka ku baahiyey Rio Ferdinand ayaa yidhi: “Run ahaantii aad baan ugu faraxsanahay in Mount uu yimaaddo Manchester United. Waa ciyaartoy da’yar, hibadiisu badan tahay oo hammuun u gaajaysan guulo. Waxa uu khibrad u leeyahay ciyaraha waaweyn ee cadaadis badan uu jiro, wax badan ayaanu kusoo kordhinayaa Manchester United.

“Waa ciyaartoy goolasha dhaliya, fursado abuura oo shaqo badan, isla markaana in badan orda qaybta garoonka ee kooxda kasoo horjeedda. Waxa aan hubaa in Chelsea ay qoomamayn doonto inay iibiso Mount.”

Rio Ferdinand ayaa waxa uu Manchester United u sheegay booska kaliya ee ay hadda u baahan yihiin inay iska xoojiyan, waxaanu yidhi: “Hadda waxa kaliya oo hadhay No.9.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here