Manchester United Oo Lagu Qabsaday Xiddigii Ay Heshiiska La Gaadhay Ee Sofyan Amrabat

0
106

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Manchester United ayaa maanta la sheegay in ay heshiis la gaadhay xiddiga reer Morocco ee Sofyan Amrabat ee wacdarah ka dhigay Koobkii Adduunka ee uu waddankiisu soo gaadhay semi-finalka, waxaana laacibkan oo ay raadinayaan kooxo ay ka  mid yihiin Barcelona, Juventus iyo naadyada horyaalka Sucuudiga ay xidhiidheen Man United oo ku qancisay inuu tago Old Trafford.

Xiddigan oo uu laacibka Galatasaray ee Nicolo Zaniola uu sheegay, in uu maqlay ‘in Sofyan Amrabat uu tegayo Juventus’, haddana Manchester United ayaa xidhiidh la samaysay oo la sheegay in ay la gaadhay heshiis shaqsi ah oo mushaharkiisa iyo sannadaha qandaraaskiisa ah.

Heshiiska uu Sofyan Amrabat kula jiro Fiorentina oo sannad kali ahi ka hadhsan yahay ayay kooxdaasi doonaysaa in ay iibiso, si aanu uga tegin isaga oo xor ah sannadka damb e.

Waraysiga uu Nicolò Zaniolo siiyey wargeyska La Gazzetta dello Sport iyo warka sheegaya in Manchester United ay heshiis la gaadhay Sofyan Amrabat, ayaa waxa uu keenay in Fiorentina ay jawaab bixiso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here