Liverpool Oo Laga Afduubtay LABADII Ciyaartoy Ee Ay Sida Weyn U Raadinayeen

0
113

Jowhar – ( Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa laba jug oo waaweyni kasoo gaadheen suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaagan, inkasta oo ay dhamaystireen saxeexyada laba ciyaartoy oo ay tayadoodu sarrayso oo si rasmi ah loogu dhawaaqay heshiisyadooda.

Liverpool ayaa wali xubin firfircoon kasii ahayd suuqa iibka ciyaaratoyda, waxaana lala xidhiidhinayay dhawr ciyaartoy oo kale oo khadka dhexe ah oo laba ka mid ah haatan laga afduubtay.

Reds ayaa waxa hore loo sheegay in ay heshiis la gaadhay laacibka reer Spain ee Gabri Veiga oo ka tirsan Celta Vigo, hase yeeshee waxa si xooggan usoo gashay tartankiisa oo ka dul-qaadday PSG oo tallaabooyin u jirta inay si rasmi ah ugu dhawaaqdo heshiiskiisa oo buuxda.

Kubbad-sameeyahan oo lagu naanayso ‘New Kaka’ ayaa waxa ay PSG la gaadhay heshiis gabo-gabo maraya oo labada kooxoodna aanu jirin farqi badan oo u dhexeeya.

Liverpool oo heshay xaqiiiqada ah in Gabri Veiga laga afduubtay ayaa waxa usoo yeedhaya war kale oo ka nixinaya tababare Jurgen Klopp oo ah in laacibka ay sida weyn u raadinayaan ee Khephren Thuram uu ay wada-hadallo toos ah la bilowday Bayern Munich oo doonaysa inay si degdeg ah u dhamaystirto heshiiska laacibkan.

Khephren Thuram oo Liverpool ay hore ugu haysatay Newcastle United ayaa waxa uu xidhiidh toos ah ka helay Bayern Munich oo doonaysa inay la saxeexato, waxaana u gacan-haadinaya tababare Thomas Tuchel oo ku qancay bandhiggii 48ka kulan ahaa ee uu laacibkani ka sameeyey horyaalka Ligue 1 xilli ciyaareedkii hore oo uu kooxdiisa Nice u dhaliyey laba gool, siddeed kalena caawiye uga noqday.

Si kastaba ha ahaatee, Liverpool waxay wali hoggaaminaysaa tartankaa Romeo Lavia oo u ciyaara kooxda heerka labaad u dhacday ee Southampton.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here