Hogaamiyayaasha Yurub oo sheegay in ay yareyn doonaan ku tiirsanaanta Shiinaha

0
54

Jowhar – ( Radio Isnaay  ) Hogaamiyayaasha Yurub ee ku shirsan Brussels ayaa sheegay inay dhimi doonaan ku tiirsanaanta Shiinaha ayna raadin doonaan saaxiibo kale oo ganacsi.

Shir-madaxeedka golaha Midowga Yurub, waxay ku heshiiyeen siyaasad loo yaqaan ka-hortagga khatarta.

Toddobaadkii hore ra’iisul wasaaraha Shiinaha ayaa dhaleeceeyay siyaasadda cusub ee midowga yurub oo ay ugu magac dareen ka hortaga khatarta ah.

Duulaankii Ukraine ayaa muujiyay ku tiirsanaanta reer galbeedka ee saliida iyo gaaska Ruushka, waxaana jirta cabsi ah in khalad la mid ah kan Ruushka uu shiinaha gala.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here