Xog cusub iyo sawwiro laga helay maalqabeenadii saarnaa doontii la waayay

0
118

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Wax loo maleynayo inuu yahay haraadiga meydka shantii qof ee saarnaa doontii lagu waayay meel ka baxsan xeebahawaddanka Canada ayaa laga helay burburka haraadiga markabkii Titanic, sida ay sheegeen ciidamada ilaalada xeebaha ee dalka Mareykanka.

Haraadiga burburka doontaasi ayaa Arbacadii shalay ahayd laga dejiyay magaalada St John’s ee dalka Canada.

Dhaqaatiir takhasus gaar ah leh ayaa baaritaan ku sameyn doona haraadiga meydadka ee la helay.

Waxaa dhawaan la xaqiijiyay inay dhinteen dhamaan shanti qof ee saaraa doonta yar si ay u soo arkaan burburka Titanic.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here