Khadka Dhexe Ee Liverpool Wadahadalka La Furtay & Sababta Ku Adkayn Karta Saxeexiisa

0
143

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Liverpool ayaa la sheegayaa inay wadahadalo la yeelatay wakiilada khadka dhexe ee kooxda RB Leipzig ee Dominik Szoboszlai.

22 sano jirkaas ayaa kamid ahaa xiddigaha ugu bandhiga fiicnaa horyaalka Bundesliga xilli ciyaareedkii tagay isagoo sidoo kale xiiso ka helaya Newcastle United.

Image

Haatan wargeyska The Athletic ayaa sheegaya in Liverpool ay indho indhaynayso suurogalinamada ay kula saxeexan karto Dominik Szoboszlai suuqan.

Arrinta ku adkayn karta Liverpool heshiiskiisa ayaa ah in 30-ka June oo berri Jimcaha ku beegan uu dhacayo qoddobka dhigaya in heshiiskiisa Leipzig 60 Milyan oo pound lagu jabin karo.

Sidaas darteed Liverpool ayay tahay inay deg-deg u shaqayso oo lacagtaas bixiso kahor berri haddii aysan doonayn in Leipzig qiimo kale qabsato intaas wixii ka dambeeya.

Dominik Szoboszlai ayaa meel sarre kaga jira liiska xiddigaha khadka dhexe ee Liverpool doonayso si lamid ah Khephrem Thuram iyo Romeo Lavia.

Fabio Carvalho, da’yarka khadka dhexe ee Liverpool ayaa isagu amaah ugu baxaya dhinaca Leipzig, sababtaas ayaa noqon karta mid wanaajisa xidhiidhka u dhaxeeya labada kooxood.

Newcastle ayaa lala xidhiidhinayay saxeexa Dominik isla markaana sii laba jibaari karta xiisaheedii xiddiga ree Hungary gaar ahaan kaddib markii ay Tottenham la saxeexatay James Maddison oo ay doonaysay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here