Diyaarad lugta hore ka maqan tahay oo ku degtay Mareykanka

0
51

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Diyaarad ay leedahay shirkadda diyaaradaha Delta ee Mareykanka oo siday dad ka badan 100 rakaab ah ayaa si badqab ah ku degtay iyadoon aan laheyn lugta hore ee diyaaradaha ku dagaan.

Shirkadda diyaadda Delta ayaa sidan sheegtay, “Diyaarad rakaab ah oo lugta hore ka maqan tahay ayaa ku degtay garoonka diyaaradaha caalamiga ee Charlotte-Douglas ee waqooyiga Caroline Arbacadii”.

Diyaaradda waxay siday rakaab tiradooda gaaraysa 96 qof iyo shaqaalaha diyaaradda. Cidna waxba kuma noqon diyaaradda oo degtay iyadoon laheyn lugta hore.

Lugta hore ee diyaaradda waa qeybta ugu weyn ee ka caawisa diyaaradaha inaysan dhibaato soo gaarin marka ay duulayaan iyo marka ay dagayaan. Sidoo kale qeybtaasi waxay muhiim u tahay marka diyaaradda si aayar ah ugu socoto garoonka iyo marka ay istaageyso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here