Nin 27 goor ku guuldarraystay inuu ku baaso imtixaanka lagu galo jaamacadda

0
69

Jowhar- (Radio Isnaay) – Maalqabeen Shiinees ah ayaa ku guul darraystay 27 goor in uku baaso imtixaanka jaamacadda lagu galo.

Ninkaas oo la yiraahdo Liang shi oo ah 56 jir ayaa Jimcihii wuxuu ogaaday inuu helay 424 dhibcood o ka mid ah imtixaan lagu saxayey 750 dhibcood, wuxuuna 34 dhibcood ka hooseeyaa heerka aasaasiga ah ee laga doonayo qofka dalbanaya inuu galo jaamacad Shiinaha ku taalla.

Ku dhawaad 13 malyan oo arday ayaa saannadkan u fariistay imtixaanka jaamacadaha Shiinaha lagu galo. Liang ayaa soo jiitay indhaha saxaafadda bacdamaa uu ku dhacay imtixaanka jaamacadaha lagu galo.

Liang oo ku guuldarraysanayey imtixaannada jaamacadaha tan iyo 1983 ayaa warbaahinta maxalliga u sheegay inuu ka xun yahay natiijada uu sannadkan keenay, wuxuuna la yaabban yahay haddii uu imaan doono wakhti ay riyadiisa ugu rumowdo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here