Dal iclaamiyay dagaal ka dhan ah dooliga

0
56

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Newzealand ayaa doonaysa inay dalkeeda ka cirib tirto dhamaan noocyada kala duwan ee jiirka ama dooliga laga helo dalkaasi.
Tallaabadan ayaa waxaa si mutadawacnima ah u fulinaya koox ka tirsan bulshada, waxaana marka hore laga hir gelin doonaa aagga magaalada Wellington ee caasimadda dalkaasi Newzealand.

Arrintan ayaa qeyb ka ah qorshaha dowladda ay ku cirib tirayso dhamaan dugaaga hilib cunka ah, isla markaana lagu badbaadiyo shimbiraha caasimadda.
Dowladda ayaa waxay fileysaa in howshan ugu dambeyn la soo gabagabeeyo sanadka 2050-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here