UGU DAMBAYN: Kai Havertz Oo Noqday Ciyaartoy Arsenal Ah.

0
64

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Inkasta oo aanay Arsenal wali si rasmi ah u shaacin, haddana waxa baraha bulshada qabsaday sawirka Kai Havertz oo markii ugu horreysay ku labbistay garanka kooxdiisa cusub ee Arsenal, taas oo muujinaya in uu yahay ciyaartoy ka tirsan kooxda tababare Mikel Arteta oo saacadaha soo socda si rasmi ah loo shaacin doono.

Isniintii maanta ayaa uu Kai Havertz ka gudbay tijaabada caafimaadka qaybtiisii koowaad, waxaana heshiiskiisa lasoo gabogabayn doonaa Salaasada ama Arbacada oo ay Gunners shaacin doonto heshiiskiisa.

Kai Havertz ayaa noqon doona saxeexii koowad ee  ay Arsenal samayso xagaagan, iyaga oo £65 milyan oo Gini oo qayb ka mid ah ay ku xidhnaanayso bandhiggiisa u shubi doona Chelsea.

24 jirkan ayaa heshiiskiisa lasii dhamaystiray toddobaadkii hore, xalayna waxa uu sawir lasoo galay Jorginho oo baraha bulshada soo dhigay halka caawana uu Twitter-ka  qabsday sawir laga qaaday isaga oo ku labbisan garanka Arsenal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here