Wiil arday ah oo kumannaan kiilo mitir usoo lugeeyay Xajka.

0
56

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Cismaan Arshaas, oo ah wiil dhalinyaro ah oo ka soo jeeda dalka Pakistaan, ayaa jaray masaafo dhan 4000 oo km si uu u soo guto waajibaadka xajka.

Waxaa uu lug ku tegey Makkah, isagoo ka amba baxay Pakistaan, wuxuuna sii maray dalalka Iran, Sacuudiga iyo dalka Imaaraadka Carabta.

Safarkaas ma ahayn mid u sahlanaa Arshad, wuxuu wajahay caqabado dhowr ah gaar ahaanna xaga cimilada.

“Qof kasta oo Muslim ah wuxuu ku haminayaa inuu mar un Makkah tago, si uu u soo booqdo kacbada ayuu yiri Cisman.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here