DEG-DEG: Manchester United Oo Ka Quusatay Mason Mount

0
76

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa go’aan ka gaadhay saxeexa xiddiga reer England ee sida weyn uu u doonayay tababare Erik ten Hag kaas oo saddex dalab oo ay ka gudbiyeen ay Chelsea ka diiday inay ka iibiso iyadoo ku cadaadisay inay gaadho qiime aanay Manchester United doonayn inay bixiso.

Manchester United ayaa go’aansatay in ay ka laabato qorshaheedii ahaa inay la saxeexato Mason Mount xagaagan, waxaanay arrintaas ku wargeliyeen shaqaalahooda ku jiray wada-xajaoodka.

Arrintan ayaa ka dhigan in Red Devils ay faraha ka laabatay damaceedii ahaa in Mount uu yimaaddo Old Trafford xagaagan, balse waxay rajo ka qabaan in ay bilaash kula soo wareegi karaan xagaaga dambe haddii aanay Chelsea ku riixin in uu tago koox kale.

Moson Mount oo u sheegay Chelsea in aanu heshiis cusub u saxeexayn, ayaa waxa ciyaartoodii ugu dambaysay xilli-ciyaareedkii tegay, waxa sagootiyey Thiago Silva iyo Ben Chilwell oo la socday go’aankiisa, isla markaana rumaysnaa in ay Blues iibin doonto.

Wargeyska The Times oo helay go’aanka Manhester United ayaa sheegay, in Red Devils ay u aragto mid aan macquul ahayn in ay Mount ku iibsato £65 milyan oo Gini iyaga oo waliba ogsoon in 12 bilood oo kali ahi ka hadhsan yihiin qandaraaskiisa.

Warbaahinta Ingiriiska ayaa waxay sheegtay, in Manchester United ay hadda u leexan doonto Moises Caicedo oo ay ka dhigan doonto bartilmaameedkeeda iyaga oo kalsooni ku qaba in uu ka ciyaari karo boosas ka badan inta uu Mount ka dheelayo isla markaana shaqo difaac iyo kubbad-samayn ba isku darsan karayo.

Waxa kale oo ay Manchester United ku tartamaysaa Declan Rice oo ay u arkaan in uu ka wanaacsan yahay, haddii ay noqoto in ay Mount ka  bixiyaan £65 milyan oo  Ginina ay ka habboon tahay in ay Rice ku kharash gareeyaan £100 milyan oo Gini oo ay West Ham dalbanayso, laakiin ay qiimihiisa iskaga khafiifiyaan Scott McTominay iyo Harry Maguire.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here