Xabsi ku yaalla Dalka Hindiya oo ay dadka iskooda u tagaan si loo xero

0
37

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xabsi ku yaalla gobolka Uttarakhand ee dalka Hindiya ayaa laga billaabay arrin aan horay loo aqoonin si looga hortago dhibaatooyinka bulshada qaarkood.

Maamulka xabsigan, oo ka shaqeeya magaalada Haldwani ayaa hirgeliyay barnaamij uu xabsiga leeyahay oo dadka caadiga ah u fasaxaya in lagu xiro halkaas, iyagoo aysan maxkamad soo xukumin.

Qof walba oo codsada in lagu xiro xabsigan ayaa halkii habeenba laga qaadayaa lacag dhan Rs.500 oo u dhiganta wax ka badan 8 doolar iyo bar.

Saraakiisha gacanta ku haya xabsigan dhaqanka layaabka leh la yimid ayaa sheegay in arrintan ay dadka ka badbaadineyso iney maraan ciqaab weyn oo ay ku muteystaan dambiyada qaar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here