Chelsea Oo Kasoo Jawaabtay Dalabkii Saddexaad Ee Man United Ku Doonaysay Mount

0
64

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda Chelsea ayaa jawaab kasoo bixisay dalabkii saddexaad ee ay kasoo gudbisay dhigeeda Manchester United khadkeeda dhexe ee Mason Mount.

Heshiiska uu Mount ku joogo Stamford Bridge ayaa hal sano ka hadhay isagoo diiday inuu hadda heshiis kordhin u sameeyo Blues maadaama oo uu Red Devils la heshiiyay.

Chelsea ayaa hore dalabaad 40 Milyan iyo 50 Milyan oo pound ah uga soo diiday Manchester, dalabkan saddexaad ee ugu dambeeyay ayaa ahaa 50 Milyan oo pound oo lagu daray 5 Milyan oo gunnooyin shuruudo ku xidhan ah.

Sida uu sheegayo saxafi Fabrizio Romano, Blues ayaa diiday dalabka saddexaad ee Man United iyagoo doonaya 58 Milyan oo pound oo rasmi ah iyo 7 Milyan oo pound oo gunnooyin ah.

Chelsea oo u muuqata mid baahan maadaama Mount u sheegay inuusan qandaraas cusub saxeexayn ayuu Romano sidoo kale sheegayaa inay codsatay inay fool-ka-fool ula kulanto maamulka Man United si ay heshiiskan u dhammeeyaan.

Waxa jirtay warbaahin sheegaysay in Man United iskaga dhaqaaqi doonto heshiiskan haddii dalabka saddexaad lasoo diido midaas ayaana haatan laga warsugayaa.

Man United ayaa aaminsan in dalabka ay gudbiyeen ku filan yahay ciyaaryahan sanadkii ugu dambeeyay ee heshiiskiisa ku jira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here