Saxaafadda Kenya oo ka carootay hadal wasiir ka tirsan kenya uu ku qoray Twitter-ka.

0
59

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Hay’adaha difaaca xuququda saxaafadda ee Kenya ayaa ka carooday hadal laga soo xigtay wasiirka ganacsiga Moses Kuria oo weerar ku qaaday saxaafadda madaxa banaan ka dib markii la sii daayey warbixin wasiirka la xiriirinaysa musuqmaasuq.

Muranka u dhexeeya wasiirka iyo warbaahinta ayaa shalay soo if baxay iyadoo uu salka ku hayo qormo iyo warbixin ay sii deysay warbaahinta Nation oo ku saabsanaa alaabo la musuq maasuqay wasiirkuna sida ay shegeen uu ku lug lahaa.

Wasiirka ganacsiga oo dhibsaday warbixintaasi ayaa twitter-ka waxa uu ku qoray erayo aan habooneyn taasi oo warbaahinta aad uga careysiisay.

Wasiirka ayaa sidoo kale ku baaqay in xayeeysiis aan loo geysan warbaahinta Nation media oo kamida kuwa ugu caansan ee Kenya.

Hay’adaha difaaca xuquuqda saxaafadda ee Kenya ayaa ku tilmaamay hadalada wasiirka kuwo aan ku habbooneyn in u uku hadlo qof mas’uul ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here