DEG-DEG: Faahfaahinta Heshiiska Barcelona La Gaartay Ilkay Gundogan.

0
48

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa heshiis buuxa oo laba sannadood ah la gaadhay xiddiga reer Germany ee Ilkay Gundogan oo si xor ah ugaga soo wareegay Manchester City, waxaana qandaraaskiisa ala socda laba qodob oo caddaynaya mustaqbalkiisa laba sannadood kaddib iyo qiimaha lagu burburin karayo heshiiskiisa.

Daqiiqado ka hor ayuu Ilkay Gundogan saxeexay heshiiska rasmi ah oo socon doona illaa sannadka 2025, waxaana u raaca sannad saddexaad oo dookh ah oo ay dhinacyadu dhaqan-gelin karaan.

Barcelona ayaa heshiiska ku dartay qodob dhigaya, in €500 milyan oo Euro lagu burburin karayo.

Horyaalka Spain ee LaLiga oo u eegay sharciga dhaqaalaha ee xakamaha ku ahaa Barcelona ayaa ogolaaday heshiiska Ilkay Gudogan, taas oo keentay in Barcelona ay maanta heshiiska dhamaystirto.

32 jirkan ayaa sannadkii mushahar u qaadan doona €9 milyan oo Euro, taas oo ka dhigan in uu dhimay mushaharkii uu ka qaadan jiray kooxda uu ka tegayo ee Manchester City.

Ilkay Gudogan ayaa iska diiday dalabyo waaweyn oo uu ka helay kooxo horyaalka waddanka Sucuudiga ah oo lacago badan ula diyaar ahaa, Arsenal iyo xataa kooxdiisii Manchester City oo uu diiday inuu sii joogo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here