Wiilka madaxweyne Biden oo qirtay 3 dambi oo lagusoo oogay

0
47

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Hunter Biden, oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha Mareykanka, ayaa ogolaaday heshiis dhigaya in uu qirto saddex dambi oo lagu soo oogay.

Mid waxay la xiriirtaa haysashada qoriga, iyo labo ku guuldareysiga bixinta canshuurta.

Waxaa la filayaa inuu ka badbaado xabsiga.

Wiilka Biden oo taariikh ku leh isticmaalka maandooriyaha ayaa sheegay inay muhiim tahay inuu qaato mas’uuliyadda khaladaadkiisa.

Madaxweyne Biden ayaa ballan qaaday inuu taageeri doono wiilkiisa, balse Donald Trump ayaa eedeymahan ku tilmaamay dharbaaxo.

Madaxweynihii hore ayaa marar badan ku eedeeyay Hunter Biden inuu sameynayo gaf weyn oo la xiriira ganacsigiisa Shiinaha iyo Ukraine.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here