Ciraaq oo lagu soo bandhigay dhagax loox jiray labo kun iyo sideed boqol oo sano

0
58

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dhagax Loox jiray muddo ku siman labo kun iyo sideed boqol oo sano ayaa lagu soo bandhigay dalka Ciraaq kaddib markii laga soo celiyay dalka Taliyaaniga oo uu yaalay afartan sano.

Waa loox dhoobo ka sameysan oo qadiimi ah oo lagu qori jiray fartii hore ee baabiliyoonka.

Madaxda Taliyaaniga ayaa labo todobaad kahor ku wareejiyay Madaxweynaha Ciraaq Cabdul Ladiif Rashiid, munaasabad ka dhacday magaalada Bologna ee wadanka Taliyaaniga.

Ma cadda sida dhagax looxan lagu helay iyo sida uu ku yimid Taliyaaniga, kaasoo boolisku qabteen kun iyo sagaal boqol iyo sideetameeyadii.

Wasiirka Dhaqanka ee Ciraaq Axmed Badrani ayaa sheegay in ay suurtagal tahay in la helay dhagax looxan xiligii qodista waxyaabaha qadiimiga ah ee Biyo Xireenka Musuul, kaasoo la dhisay xiliyadaas.

Ciraaq oo badanaaba lagu sheego hoyga ilbaxnimada ayaa lagu tilmaamaa meelihii ugu horreeyay ee far qoraaleedka.

Boobka waxyaabaha qadiimiga ah ee Ciraaq ayaa xoogeystay kaddib qabsashadii Maraykanku hoggaaminayay ee labaatan sano kahor.

Madaxweynaha Ciraaq ayaa amaanay wadashaqaynta Taliyaaniga, isagoo sheegay inuu xoogga saari doono sidii dib loogu heli lahaa alaabaha taariikhigia ah ee Ciraaq dibadda uga maqan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here