Tottenham oo Shaacisay Saxeexii Koowaad Ee Xagaagan.

0
67

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Tottenham ayaa si rasmi ah u dhamaystirtay saxeexii koowaad ee xagaagan, waxaanay gacanta ku dhigeen xiddig khibrad badan oo mustaqbalkiisa u hibeeyey Spurs.

Kooxda reer London oo waqti dambe ka baxday afarta sare iyo kaalmaha tartamada Yurub oo dhan ayaa waxay heshiis rasmi ah u beddeshay amaahdii ay xagaagii hore kusoo qaadatay Dejan Kulusevski oo ay kala soo wareegtay Juventus.

Xiddiga reer Sweden ayaa saxeexay heshiis shan sannadood ah oo socon doona illaa sannadka 2028, isaga oo sidaas ku noqday saxeexii koowaad ee ay kooxdu samayso, iyo xiddigii koowaad ee uu tababarahaa cusub ee Ange Postecoglou uu gacanta ku dhigo.

Kulusevski oo ay da’diisu tahay 23 jir ayay Tottenham amaah kusoo qaadtay January 2022, waxaana waqtigaas calmaday oo kooxda keenay Antonio Conte iyadoo heshiiskaasina dhigayay in SPurs ay si rasmi ah ugu siibsan karayso 35 milyan oo Euro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here