Croatia Oo Iska Xaadirisay Finalka Nations League.

0
55

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Xulka qaranka Croatia ayaa u gudbay finalka tartanka UEFA Nations League oo ay ku sugayaan Spain iyo Italy oo Khamiista wada ciyaaraya midkooda soo gduba

Croatia ayaa ka daba timid Netherlands oo si fiican ku bilaabatay ciyaarta oo goolna kala hormatay, waxaanay kaga dul-tallaabsadeen 4-2, iyadoo ciyaartana lagu daray 30 daqiiqadood oo dheeraad ahaa.

Netherlands oo ku gacan sarraysay kubbadda qaybtii hore, ayaa waxa hoggaanka u dhiibay Malem daqiiqaddii 34aad, waxaanu goolkaasi ahaa midka kaliya ee ka dhashay ciyaarta qaybta hore.

Luka Modric ayaa rikoodhe uu farsameeyey lagu galay markii lagu soo noqday qaybta labaad, waxaana kubadda lagu aaminay Kramaric oo toogtay badhtamaha goolka, ciyaartana ka dhigay barbarro

Croatia ayaa hoggaanka sii dheeraysatay daqiiqaddii 72aad oo uu gool labaad oo qurux badan u dhaliyey Pasalic oo ka faa’iidaystay kala daadsanaanta difaaca Netherlands oo ay hurdo ka muuqatay Virgil van Dijk iyo Nathan Ake oo aan isla haysanin.

Garsooraha oo afka ku haya siidhiga dhamaadka ciyaarta oo ay gabogabo tahay daqiiqaddii ugu dambaysay ee 6 daqiiqadood oo dheeraad ahaa oo lagu daray ayaa ay Netherlands heshay gool ay ciyaarta kaga dhigtay 2-2 oo qasab ka dhigtay in waqti dheeraad ahaa  lagu daro.

In ay khibraddu shaqayso xilliyada dambe ayay Croatia muujisay, waxaanay dhalisay laba gool oo midkood rikoodhe ahaa 30kii daqiiqadood ee dheeraadka ahaa ee ciyaarta lagu daray, iyadoo mid kalena laga diiday.

Petkovic ayaa kubbad loo dhiibay isaga oo dhax taagan dersin difaaca Netherlands ah, waxaana uu si fudud ugu shaqaystay dhaxdooda isaga oo kubadda lugta bidix la haleelay oo shabaqa ku hubsaday, ka hor intii aanu Luka Modric rikoodhe kusii dheeraynin hoggaanka xulkiisa ee aanu ka dhigin 4-2.

Croatia ayaa waxay hadda sugaysaa Italy iyo Spain midkooda soo gudba habeen dambe oo ay finalka wada ciyaari doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here