Manchester United Oo Xaqiijisatay Saxeexa Xiddig Weyn

0
43

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa u muuqata inay dhamaystirtay oo ay waliba xaqiijisatay saxeexii koowaad ee xagaagan oo ah xiddig weyn oo uu tababare Erik ten Hag si weyn u doonayay.

July 1 ayaa ay Manchester United shaacin doontaa heshiiska xiddiga noqonaya saxeexa koowaad ee xagaaga, waxaana sidoo kale lasii ogaaday mushaharka uuq aadan doono, isaga oo ka mid noqonaya ciyaartoyda meel-dhexaadka uu mushaharkoodu yahay

Ten Hag oo doonaya in uu dibu-dhis ku sameeyo safkiisa si ay ugu tartami karaan horyaalka Premier League xilli-ciyaareedka foodda inagu soo haya, sidoo kalena ay tartanka Champions League guul uga soo hoyn karaan.

Manchester United ayaa waxay heshiis buuxa la gaadhay difaaca kooxda Napoli ee Kim Min-jae oo ay Red Devils go’aansatay in bixiso lcgta lagu burburin karayo qandaraaskiisa Napoli.

Warka ayaa intaa ku daray, in Manchester United ay tartanka Kim Min-jae kaga guuleysatay kooxo ay ka mid yihiin Napoli iyo PSG, isla markaana Old Trafford lagu soo bandhigi doono July 1.

Mushaharka uu qaadan doono Kim Min-jae ayaa noqon doona £175,000 Gini toddobaadkii, waxaanay noqonaysaa ku dhowaad £9 milyan oo Gini sannadkii.

Labada kooxood ayaa sidoo kale aan kala fogeyn oo isla qaatay in Red Devils  ay bixiso lacagta lagu burburin karayo heshiiskii ay Napoli la gashay sannadkii 2022 oo ay kala soo wareegtay Fenerbahce oo 45 ciyaarood uu u saftay xilli ciyaareedkii tegay.

Marka ay Manchester United xaqiijisato heshiiska Kim, waxay ku xigsiin doonaan Mason Mount oo ay Chelsea kala soo wareegayaan halka sy sidoo kale diiraddoodu saaran tahay Kylian Mbappe oo diiday inuu heshiiska u kordhiyo PSG.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here