Ra’iisul Wasaarihii hore ee Talyaaniga Silvio Berlusconi oo geeriyooday

0
43

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Silvio Berlusconi, ra’iisul wasaarihii hore ee qaabeeyey saaxada siyaasadda iyo dhaqanka Talyaaniga, isaga oo iska riixaya fadeexado sharci iyo kuwa gogol dhaaf oo dhowr ah, ayaa geeriyooday isaga oo 86 jir ah, waxaa sidaas AFP u xaqiijiyey afhayeenkiisa.

Ganacsadaha ka taajiray warbaahinta ayaa waxaa Jimcihii la dhigay isbital ku yaalla magaalada Milano, si loogu sameeyey tijaabo la xiriirta cudurka uu qabay ee leukemia.

Isbitaal dhigistiisa ayaa timid saddex toddobaad kadib markii laga soo saaray isbitaalka San Raffaele ee Milan oo uu ku jiray lix toddobaad, markaasi oo dhaqaatiirta ay sheegeen inuu qabay nooc naadir oo ka mid ah kansarka dhiigga.

Berlusconi ayaa sanado badan waxaa haystay caafimaad darro, oo ay ku jiraan qalliin wadnaha looga sameeyey 2016 iyo 2020 oo uu ku dhacay cudurka Coronavirus.

Inkasta oo dib loogu doortay senate-ka Talyaaniga sanadkii tegay, haddana Berlusconi ayey adkeyd in fagaare dadweyne lagu arko.

Hase yeeshee wuxuu ahaa madaxa rasmiga ah ee xisbiga garabka midig ee Forza Italia, iyo saaxiibka dowladda isbaheysiga ee ra’iisul wasaare Giorgia Meloni.

Berlusconi ayaa xukumay Talyaaniga saddex jeer, intii u dhaxeysay 1994-kii illaa 2011-kii isku gays muddo 9 sano ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here