Shaxda Xilli Ciyaareedka Champions League Oo La Shaaciyay.

0
85

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Taageerayaasha kubada cagta ayaa ka xumaaday shaxda xilli ciyaareedka Champions League ee ay UEFA soo saartay iyagoo ku dooday inay ka maqan yihiin xiddigo dhowr ah oo wacdarro dhigay xilli ciyaareedkan.

Manchester City ayaa koobka ku guuleysatay markoodii ugu horeysay taariikhda ka dib markii ay 1-0 kaga badiyeen Inter Milan ciyaartii finalka ee ka dhacday Istanbul.

Ciyaarta ka dib, sida caadada aheyd UEFA waxay shaacisay shaxda xilli ciyaareedka oo ay soo xushaan guddi farsamo.

Shaxda oo u sameysay 4-3-3 waxaa hogaaminaya weeraryahanka Manchester City Erling Haaland kaasoo 12 gool ku qaaday kabta dahabka.

Waxa uu ka mid yhaya todoba ciyaaryahan oo Man City ah oo ka soo muuqday shaxda xilli ciyaareedka sida Rodri, John Stones, Bernando Silva, Kyle Walker, Ruben Dias iyo Kevin de Bruyne.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here