Gabar siddeed jir ah oo ku dhimatay xadka Maraykanka kadib markii loo diiday ambalaas

0
79

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Gabar siddeed jir ah oo xaaladeeda caafimaad ay liidato ayaa ku dhimatay xabsiga ilaalada xudduudaha ee Mareykanka , waxaa si isdaba joog ah loogu diiday codsiyo ah inay cisbitaalka aaddo.

Anadith Tanay Reyes Alvarez waxaa arkay shaqaalaha caafimaadka sagaal jeer muddo saddex maalmood gudahood ah – taas oo lahayd “qandho, astaamo u eg hargab, iyo xanuun”, sida ay baarayaashu sheegeen.

Afar jeer ayay kalkaaliye caafimaad aragtay maalintii ay dhimatay, sida la sheegay.

Si kastaba ha ahaatee, kalkaalisada ayaa diiday “saddex ama afar codsi oo ka yimid gabadha hooyadeed kaas oo ahaa in loo yeero ambalaas”.

Warbixinta tacadiga leh waxa soo saaray waaxda Kastamka iyo Ilaalada Xuduudaha kuwaas oo warbixin ka qoray geerida Alvarez.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here