Diyaarado Maraykanka iyo Shiinuhu leeyihiin oo isku dhici gaaray.

0
85

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Saraakiisha difaaca ee Maraykanka ayaa ka digaya “sare u kac ballaadhan” oo ku yimi daandaansi ay sheegeen inuu kaga imanayo diyaaradaha iyo maraakiibta dagaalka ee Shiinaha, kaas oo ka socda hawada caalamiga ah ee marin biyoodka Koonfurta Shiinaha.

Toddobaadkii la soo dhaafay, waxaa aad isugu dhowaaday diyaarado dagaal oo Maraykanku leeyahay iyo diyaarado dagaal oo Shiinuhu leeyahay.

Laba sarkaal oo Maraykan ah oo magacooda qariyey ayaa sheegay in tallaabooyinkani ay abuuri karaan falal ammaan darro oo aan lagu talo gelin.

Salaasadii waxaa Maraykanku ay sii daayeen muuqaal ay ugu yeedheen “dhaqdhaqaaq gardaro ah oo aan loo baahnayn” kaas oo uu sameeyey duuliye dagaal oo Shiinaha u dhashay, falkaas ayuu kula kacay diyaarad ay leeyihiin ciidamada cirka ee Maraykanka, 26-kii bishan May.

Duuliyaha Shiinaha u dhashay ayaa hormaray diyaaradda Maraykanka, isaga oo u jirsaday illaa 122 meter, sida uu sheegay afhayeen u hadlay Taliska ciidamada Maraykanka ee Indo-Pacific, kaas oo dusha kala socda hawlgallada milateri ee gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here