Wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha iyo Elon Musk oo kulmay

0
55

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Wasiirka arrimaha dibadda ee Shiinaha ayaa kula kulmay Elon Musk magaalada Beijing, bilawga safarkii ugu horreeyay ee ganacsaduhu ku tago Shiinaha saddex sano gudahood.

Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa iyada oo aan faahfaahin ka bixin qorshihiisa waxa ay sheegtay inay soo dhawaynayso Mr Musk iyo dhammaan hoggaamiyeyaasha ganacsiga ee raadinaya inay kor u qaadaan “iskaashi labada dhinacba faa’iido u leh.”

Shirkadda gawaarida korontada ee Mr Musk ee Tesla ayaa warshadeeda ugu weyn ku leh Shanghai, Shiinahana waa suuqa labaad ee ugu weyn marka laga reebo Mareykanka. Mr Musk ayaa waxa kale oo uu leeyahay SpaceX.

Intii ay diyaaraddiisu ku sii jeedday Shiinaha, ayuu bartiisa twitter-ka ku soo qoray horumarka laga sameeyay barnaamijka hawada sare ee Shiinaha, isaga oo sheegay in uu ka horumarsan yahay sidii ay dadka badidiisu ogaan lahaayeen”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here