Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

0
64

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Waxa fooda inagu soo haya suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo kooxuhu isu diyaarinayaan in ay suuqa u galaan xoojinta kooxhooda si ay ugu diyaar garoobaan xilli ciyaareedka cusub.

Iyada oo suuqu furmi doono bisha dambe kooxaha ayaa isku diyaarinaya in ay haatanba bilaabaan dadaalda ay saxiixyada ay doonayaan in ay ku xoojiyaan kooxohooda.

Tababaraha Man United ee Erik Ten Hag ayaa doonaya in ay kooxdu heshiis cusub ka saxiixato xiddiga Marcus Rashford si uu u sii joogo kooxda (Manchester Evening News).

Kooxda Real Madrid ayaa isku diyaarinaysa in ay ku dhawaaqdo saxiixa xiddiga Kooxda Borussia Dortmund ee Jude Bellingham (Mirror).

Tababaraha ku dhaw in uu noqdo tababaraha cusub ee Blue Mauricio Pochettino ayaa doonaya in uu qiimeeyo xaalada Romelu Lukaku marka uu la wareego shaqada kooxda (La Gazzetta dello Sport).

Kooxda chelsea ayaa ku dhaw saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Sporting Lisbon ee Manuel Ugarte laakiin waxa ay tartan kala kulmaysaa kooxda Liverpool (Franco Fernandez).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here