Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Munaasabada daahfurka oo ka qabsoontay Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka mudane Cusmaan Cabdi Muuse, Gudoomiye ku xigeenada Arimaha Bulshada Maamulka Baay iyo kan Degmada Baydhabo, qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka iyo wakiilo ka socday hay’adaha UNICEF iyo WHO.