Qaar ka mid ah dadka caanka ah ee aan lahayn telefoonka gacanta.

0
81

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Waxaa aad loo aaminsan yahay in dadka caanka ah ee magaca leh iyo kuwa hodanka ah ay haystaan telefoonnada qaaliga ah ee casriga ah.

Laakin dadkaas qaarkood iskumaba dhibaan qaadashada telefoonnada gacanta.

Waa kuwan qaar ka mid ah dadkaas oo aan lahayn telefoonka gacanta.

Simon waa mid ka mid ah xaakimiinta go’aamiya tartamada X factor iyo Got Talent. Wuxuu aaminsan yahay in telefoonku uu dhibaato yahay.

Sannadkii 2017 ayuu joojiyey isticmaalka telefoonka gacanta, wuxuuna khaati ka istaagay farriimaha qoraalka ah ee iska soo daba dhacaya.

Sida laga soo xigtay gabar ay ayeeyo u tahay oo la yiraahdo Miley Cyrus, fanaanadda waxay isticmaashaa mashiinka Fax-ka oo ay dadka kula xiriirto.

Dolly Parton waa 77 jir, waxayna caan ku tahay heesaha country music.

Elton John mar uu waraysi siinayey weriyaha caanka ah ee Jimmy Kimmel wuxuu sheegay inuusan telefoonka gacanta lahayn.

Wuxuu isticmaalaa aaladda iPad oo uu kula xiriiro carruurtiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here