Haween shaqo ka helay dalka Sacuudiga oo dabbaal degay

0
51

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kow iyo toban haween ah oo u dhashay dalka Burundi ayaa u ambabaxay dalka Sucuudiga si ay uga shaqeystaan guryaha, qorshahaasi ayaa ah mid ay dowladdu taageerto si looga hortago tahriibka sharci darrada ah.

Horay, boqollaal haween reer Burundi ah ayaa waxaa tahriibin jiray kooxo si ay uga shaqeystaan ​​shaqooyinka guriyeynta ee dalalka Carabta iyadoo qaarkood ay sheegeen in ay la kulmeen rabshado qoys oo aad u daran.

“Aad ayaan u faraxsanahay…ka dib ku dhawaad ​​afar sano oo shaqo la’aan ah,” Aline Niyokwizera, oo 22 jir ah oo ka timid koonfurta Burundi ayaa BBC-da u sheegtay Arbacadii iyadoo ku sugan garoonka diyaaradaha ee Bujumbura.

Jean Bosco Bizuru oo ka socday hay’ad maxalli ah oo shaqo qorista ka howlgasha ayaa sheegay in ay haweenka u tababareen shaqooyinka guryaha ee ay ka qaban doonaan Sacuudiga.

Dalka Burundi waxaa ka jira shaqo la’aan aad u sareysa oo soo wajahday dhalinyarada, kuwaasoo ka badan kala bar dadka dalka.

Epimeni Bapfinda, oo ah sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ayaa sheegtay in, in ka badan 75,000 oo shaqooyin ah ay Burundi ka heli doonaan Sacuudiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here