Cristiano Ronaldo Oo Dib Ugu Soo Noqonaya Yurub & Kooxda Weyn Ee Albaabada U Furtay

0
51

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo waxa uu u muuqdaa in uu ku faraxsan yahay waddanka Sucuudiga oo uu lacag tiro badan ka qaato kooxda Al Nassr, laakiin waxa jira warar sheegaya in uu jeclaan lahaa in uu dib ugu soo laabto kubadda cagta Yurub.

Warbaahinta  waddanka Jarmalka ayaa sheegtay, in uu maalqabeen dalkaas u dhashay uu doonayo inuu dib ugu soo celiyo Ronaldo qaaradda Yurub oo uu keeno horyaalka Bundesliga.

Markus Schon oo ah maalqabeen ad looga yaqaano dalkiisa ayaa u sheegay Bayern Munich in uu diyaar u yahay in uu bixiyo mushaharka, haddii ay ogolaadaan in ay la saxeexdaan Cristiano Ronaldo iyagoo uu waliba isagu qaadanayo masuuliyadda wada-xaajoodyada iyo qancinta laacibkan.

Maalmo ka hor, halyeygii Brazil iyo Barcelona ee Rivaldo ayaa sheegay in uu fahamsan yahay sababta ay ciyaartoydu u tegayaan waddanka Sucuudiga oo heerkiisu hooseeyo, balse waxa uu xusay in ay fiicnaan lahayd haddii uu Cirstiano Ronaldo dib ugu laabto kooxdiisii hore ee Real Madrid.

Xaqiiqadu waxay tahay in aanu Ronaldo ku laaban doonin kooxdiisii hore ee Madrid, balse waxa hadal-haynta ku jirta kooxda Bayenr Munich oo uu Markus Schon la doonayo inuu ka caawiyo bixinta mushahrkiisa.

Markus Schon ayaa sharraxay sababta uu u bixinayo mushaharka badan ee Cristiano Ronaldo, waxaana uu ku dooday in kaliya uu heshiiskiisa ku dari doono inuu saami ku yeesho lacagta kasoo xeroota iibka garamadiisa, taas oo uu rumaysan yahay in lacag badan ay Munich ka heli doonto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here