Talyaaniga oo soo saaray shuruuc adag oo ka dhan ah muhaajiriinta

0
62

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Sharci cusub oo Talyaanigu soo saaray, kaasoo adkaynaya xuquuqda magangelyo doonka, si loo yareeyo muhaajiriinta u soo hayaamaya Talyaaniga ayaa waxaa mid ka mid ah hay’adaha caalamiga ah ee xuuqul insaanka waxay ku tilmaantay Mid aan bani aadminimada waaafqsanayn oo cabburin ku salaysan.

Xukuumadda ra’iisul wasaare Georgia Meloni ayaa sharcigan keentay ka dib markii Markab ku jabay xeebaha koofureed, kaasoo ay ku dhinteen ilaa 90 qof bishii Febraayo.

Sharciga oo baarlamaanku ansixiyey ayaa dhigaya ciqaab xabsi oo adag oo ay mutaysanayaan qolyaha wax tahriibiya, wuxuuna xaddidayaa fursadaha ay dadka cusub ee imaanaya ku heli karaan in la siiyo ruqsad deganaansho oo “ilaalin gaar ah” darteed lagu siiyo, haddii aysan buuxin shuruudaha Magangelyo doonka.

“Sharciga cusub wuxuu saamayn culus ku yeelanayaa xuquuqda soo galootiga oo ay ku jirto inay raadsadaan ilaalin, inay helaan hanaan magangalyodoon oo xaq ah, iyo inay ku raaxaystaan xoriyadda socodka” ayey tiri hay’adda Human Rights watch.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here