Shirkadda isgaarsiinta ee Vodafone oo dhimi doonta shaqaale aad u fara badan.

0
52

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Shirkadda Vodafone, ayaa waxay dhimi doontaa 11,000 oo shaqaale saddexda sano ee soo socota.

Margarita Della Valle, oo ah maamulaha cusub ee shirkaddan isgaarsiinta, ayaa ku dhawaaqday tallaabadan.

Saamaynta shaqo dhimistan, ayaa waxay saameyn doontaa wadamo badan. Maamulaha guud ayaa wuxuu u qaatay go’aankan qayb ka mid ah qorshe lagu ‘fududeynayo’ shaqada shirkadda.

Vodafone ayaa waxaa uga shaqeeeya 104,000 oo shaqaale gaaraya adduunka oo dhan.

“Vodafone waxay u baahan tahay inay is beddel sameyso, si ay u sii waddo bixinta adeegga,” Vale ayaa sidaasi tiri.

Vale ayaa waxay noqotay madaxa bishii Janaayo, waxayna sidoo kale u shaqeynayaa agaasimaha maaliyadda ee ku meel gaarka ah.

Waxay sheegtay haweeneydani in mudnaantiisa koowaad ay tahay macaamiisha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here