Dalal mamnuucaya app-yada la isku qurxiyo.

0
56

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dowladaha Norway, UK iyo faransiiska ayaa wada qorshe lagu mamnuucayo app-yada la isku qurxiyo kuwaasoo inta badan lagu badalo sawirka iyo muuqaalka qofka taasoo sameyn kala duwan ay ka dhalato.

Dowladahan ayaa dajinaya  lagu xakameynayo farsamooyinka tikoolajiyadda ee sawirrada iyo muuqaallada lagu baddalo.

App-kan ayaa dadka isticmaala waxaa uu fursad u siinayaa inay qaabka uu wajigooda u egyahay ay wax ka baddalaan, sida in finanka uu ka baabi’iyo amaba gabi ahanba ay baddalaan qaabka ay u egyihiin.

Tusaale ahaan waxaa ay wajigooda ka dhigi karaan mid dhuuban , waxay baddali karaan baaxadda indhahooda iyo qaabka ay u egyihiin amaba sanka oo ay isbaddal ku sameyn karaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here