Arsenal Oo Laf-Dhabar Kale Ka Doonaysa Man City

0
85

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Arsenal ayaa sanadihii ugu dambeeyay si weyn uga soo adeeganaysay kooxda ay sanadkan horyaalka ku tartameen ee Manchester City markalena siyaasadaas sii wadi karta suuqa xagaaga sanadkan.

Gunners ayaa 2019 kooxdaas kasoo qaatay macalinkooda haatan ee Mikel Arteta halka ay xagaagii hore kala soo wada wareegeen Oleksandr Zinchenko iyo Gabriel Jesus oo muhiim ka ahaa inay horyaalka u tartameen.

Ciyaaryahan kale oo agaasimaha ciyaaraha Gunners ee Edu Gaspar kasoo kaxayn karo xagaaga Etihad Stadium ayaa ah Ilkay Gundogan, kabtanka Manchester City.

Inay markale xiddigaha baxaya iyo kuwa imanaya isku dheeli-tir u helaan ayaa muhiim u ah Edu xilli khadka dhexe bartilmaameedyadiisa asaasi u yahay, ciyaaryahanka koowaad ee ay u doonayaan ayaa ah Declan Rice.

Sidoo kale Arsenal ayaa xagaaga doonaysa saxeexa ciyaaryahan doorka Granit Xhaka ka ciyaari kara oo ay 30 sano jirka ree Switzerland wada tartamaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here