Youtuber dhaliyay shil diyaaradeed si uu u helo daawadayaal oo lasoo qabtay

0
87

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Trevor Jacob, oo 29 jir ah, waxa uu YouTube-ka soo galiyay muuqaalka shilka diyaaradeed ee Diseembar 2021, isaga oo ula jeeday in uu shil ahaa.

Muuqaalka uu soo dhigay bartiisa youtube-ka waxa uu haatan gaaray in kabadan 2.9 milyan oo daawadayaal ah.

Waxa uu muteysan karaa 20 sano oo xarig ah.

Bishii Nofembar 2021, Mr Jacob wuxuu ka dhoofay garoonka Santa Barbara, California duulimaad keligiis ah oo ay kamarado ku rakiban yihiin diyaaraddiisa.

Kaamirooyinka mr Jacob waxaa weheliya oo uu watay baarashuud, iyo sidoo kale ul sawir leh.

“Ma uusan rabin in uu gaaro meeshii uu u socday, balse taa beddelkeeda waxa uu qorsheeyey in uu isakaso tuuro intii ay duuleysay oo uu muuqaal iska duubay isaga oo wata baarashuud dhulkana ku sii dhacaya iyo diyaaradii uu watay markii ay soo degtay oo burburtay”, waxaa sidaas yiri Xeer Ilaaliyaha Mareykanka ee Bartamaha California.

Diyaaradda ayaa ku dhacday Kaymaha Qaranka ee Los Padres 35 daqiiqo kadib markii ay duushay. Waxa uu u kacay goobta oo uu ka soo saaray muuqaalkii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here