Jowhar – ( Radio Isnaay) – Mid ka mid ah injineerrada shirkadda Twitter ee ay xifaaltamaan shirkadda facebook ee whatsapp iska leh ee dhawaan loo baxshay Meta ayaa bartiisa Twitterka soo dhigay in Abka Whatsapp uu makarfoonka taleefankiisa isticmaalay dhowr jeer isaga oo hurda.
Foad Dabiri ayaa soo dhigay sawir uu kasoo qaaday xilliyada Whatsapp-ku isticmaalay makarafoonka oo taleefankiisu diiwaan geliyey, waxuuna kusoo qoray sidan: “whatsapp wuxuu isticmaalayey makarafoonka taleefankayga si qarsoodi ah aniga oo hurda tan iyo markaan soo kacay lixdii subaxnimo (kaliya waa qayb ka mid ah xilliyada!) Siday wax u jiraan?” ayuu yiri.
Madaxa Shirkadda Twitter – ninka laguy magacaabo Elon Musk oo ka fal celinayey qoraalka uu injineerkiisu soo bandhigay ayaa qoray; “Whatsapp lama aamini karo”.