Jahawareer ka taagan xuduudda Mexico iyo Maraykanka

0
40

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kumannaan muhaajiriin ah ayaa lagu qabtay xuduudda Maraykanka uu la wadaago Mexico, iyadoo saacado uun ay ka harsan yihiin waqtiga uu dhacayo xeerka soogalootiga ee muranka dhaliyay.

Xaalad jahawareer ah ayaa ka taagan magaalada El Paso ee gobolka Texas, halkaas ooay buux dhaafiyeen muhaajiriin ka soo tallaabay xuduudda. Intooda badan waxa ay ka walaacsan yihiin sida uu xaalka noqon doono.

Dadkaas ayaa ku nool hareeraha wadooyinka, waxaana dhowr kun oo kamid ah ay maalmihiii la soo dhaafay ku sugnaayeen kaniisad ku taalla magaalada El Paso.

“Weli ma aan arag waxan oo kale. Waa in la helo isbedal. Ka bulsho ahaan, sidan kuma sii jiri karno,” ayuu yiri maayarka magaaladaas, Oscar Leeser oo Arbacadii la hadlayay laamaha amniga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here