Liverpool Oo Qaadaysa Waddo U Fududaynaysa Saxiixa Alexis Mac Allister.

0
96

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay u soo bandhigtay Alexis Mac Allister inay saddex jibaarto mushaharka si ay ula soo wareegto xiddiga khadka dhexe ee Brighton & Hove Albion xagaagan.

Reds ayaa isku diyaarinaysa in ay dib u habayn ku samayso khadkeeda dhexe suuqa kala iibsiga xagaagan, iyada oo ay dhawr ciyaartoy ka tagayaan kooxda.

Alex Oxlade-Chamberlain, Naby Keita iyo James Milner ayaa dhamaantood la filayaa inay baxaan marka uu qandaraaskoodu dhaco dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Bixitaankooda ayaa boos ka banayn doona khadka dhexe taas oo u fududanaysa Liverpool in ay xoojiso khadka dhexe.

Mac Allister ayaa wacdaro ka dhigaya Brighton xilli ciyaareedkan, qaab ciyaareedkiisa ayaana soo jiitay dareenka tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp, kaasoo u muuqda inuu doonayo inuu la soo wareego xiddiga ku guuleystay Koobka Adduunka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here