Garsoore Artur Dias oo loo doortay Dhexdhexaadinta Kulanka hore ee Real Madrid iyo Manchester City.

0
99

Jowhar- (Isnaay Radio)- Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa magacowday garsooraha dhaxdhaxaadin doona kooxaha Real Madrid iyo Manchester City ee lugta hore ee semi-finalka Champions League oo Salaasada habeen dambe ay ku ballansan yihiin garoonka Santiago Bernabeu ee magaalada Madrid.

UEFA ayaa shaacisay in ciyaartan uu garsoore ka noqon doonto Artur Dias oo u dhashay waddanka Portugal, waana garsoore khibrd leh oo hore usoo qabtay afar ciyaarood oo ay Real Madrid ku lug lahayd tartanka Champions League.

Ciyaartiisii ugu horreysay ee Real Madrid, waxa uu Artur Dias qabtay xilli-ciyaareedkii ay xaqiijisteen saddexda ee Champions League ee xidhiidhka ah ee 2017/18 oo wareeggii group-yada kulankii APOEL Nicosia uu ahaa garsoorihii hayey. Real Madrid ayaa ciyaartaas xasuuq 6-0 ah u geysatay APOEL.

Waxa kale oo uu ahaa garsoorihii hayey ciyaartii ay Real Madrid guul-darrada weyn loogu geystay Santiago Bernabeu ee wareeggii group-yada ee ay kooxda Ruushka ah ee ay CSKA Moscow ku dubatay 3-0 iyadoo waliba marti ah xilli-ciyaareedkii 2018/19.

Ciyarta saddexaad ee uu garsoore Artur Dias u qabtay Real Madrid oo ahayd wareeggii group-yada ee 2019/20 ayaa waxay barbarro 2-2 ah garoonka Santiago Bernabeu kula galeen PSG.

Artur Dias ayaa la rumaysan yahay in ciyaartani ay culays badan ku noqon doonto maadaama ay labada kooxood isku adeegsan doonaan awood jidheed oo ay qaladaad badan geli doonaan ciyaartoydu, sidoo kalena xamaasaddu sarrayn doonta.

Laakiin warka togan ayaa waxa uu yahay in uu khibrad fiican u leeyahay sida loola tacaalo culaysyada ku yimaadda kulamada xamaasaddoodu sarrayso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here