Isbeddel Ku Dhacay Horyaalka Premier League & Kooxda Weyn Ee Ay Murugadu U Bilaabantay.

0
94

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayuu isbeddel ku dhacay iyadoo lagu jiro kulamadii ugu dambeeyey ee ugu xaasaasinaa ee lagu kala baxayey, iyadoo ay naadiyadu ku dagaallayaan hanashada horyaalka iyo sagxadda badbaadada ee naadiyada ka siibanaya sallaanka.

Manchester City ayaa isbeddel ku samaysay horyaalka Premier League oo ay si buuxda hoggaanka ugala wareegtay Arsenal iyadoo waliba hal ciyaar ahi baaqi u tahay, waxaana uu Pep Guardiola ku siqayaa in uu sannadkii saddexaad oo xidhiidh ah ku guuleysto horyaalka Premier League.

Kooxda reer London ee West Ham oo safar ku tagtay magaalada Manchester ayaa lagu qasbay inay dib diyaaradda u saarto Declan Rice iyo laba ciyaartoy oo kale oo muhiim ahaa sida Benrahma, kuwaas oo xanuun ku seegay ciyaartii Man City.

Ciyaartan oo goolal la’aan ku dhamaatay qaybtii hore, ayaa waxa Man City aftax fiican u noqday laacibka kasoo laabtay dhaawaca uu usbuucyada u jiifay ee Nathan Ake oo qaybta labaad oo shan daqiiqadood socotay hoggaanka u dhiibay naadigiisa.

West Ham ayaa xammili weyday culayska ay saareen xiddigaha Manchester City, waxaanay u ogolaadeen in ay min hal gool dhaliyaan Erling Haaland iyo Phil Foden, iyaga oo sidaas ku helay saddex dhibcood iyo saddex gool oo nadiif ah.

Natiijadan ayaa isbeddel ku samaysay horyaalka Premier League, waxaanay Man City oo ciyaartay 33 kulan ay yeelatay 79 dhibcood, halka Arsenal oo 34 kulan dheeshay ay haysto 78 dhibcood.

Gunners ayaa hadda uu culayska weyni saaran yahay oo hoggaankii ay xalay qabteen markii ay Chelsea garaaceen uu 24 saacadood gudahood kaga baxay meesha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here