Mareykanka oo qaaday tallaabo ka dhan ah qulqulka Muhaajiriinta.

0
152

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Waaxda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa Talaadadii sheegtay inay ciidamo dheeraad ah gayn doonto si ay gacan uga gaystaan sugidda amniga xuduudda Mareykanka iyo Mexico.

Go’aankan ayaa imanaya xilli saraakiisha ay ka cabsi qabaan inay sare u kacaan muhaajiriinta isku dayaya inay kasoo gudbaan xuduudda marka ay 11-ka May dhammaadaan xayiraadaha socdaallka ee la xiriira COVID-19.

Qiyaastii 1,500 oo askari ayaa la gayn doonaa xuduudda, kuwaasi oo dheeri ku noqon doona 2,500 oo horey halkaas u joogay si ay u taageeraan mas’uuliyiinta ilaalada xuduudda.

“Muddo 90 maalmood ah, shaqalaahan militari waxay buuxin doonaan firaaqyo xasaasi ah,” waxaa sidaas bayaan ku yiri afhayeen u hadlan Pentagon-ka Sarreeye Guuto Pat Ryder.
Marka la gaaro 11-ka May, maamulka madaxweyne Biden ayaa qaadi doona xeerka Title 42, oo ah xayiraad adag oo uu soo saaray madaxweyne Donald Trump, si uu u diido soo gelitaanka muhaajiriinta, una eryo dadka magan-galyo doonka ah, ayada oo qiil laga dhiganayo COVID-19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here