Wiil yar oo badbaadiyay 66 arday ka dib markii darawalkii gaariga uu miyir daboolmay.

0
104

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – 66 arday oo dhigata iskuulka Michigan ee dalka Mareykanka ayaa dhammaantood ka badbaaday shil gaari kadib markii uu miyir daboolmay darwalkii gaariga.

Wiil 13 sano jir ah oo lagu magacaabo Dillon islamarkana ka mid ahaa ardeyda saarneyd gaari ayaa ku guuleystay inuu istaajiyo gaariga kadib markii isteerinka uu qabtay.

Muuqaal laga duubay gudaha baska ayaa muujinaya darawalka baska oo farriin u diraysa saraakiisha islamarkana u sheegeysa in aanay caafimaadkeedu wanaagsanayn.

Ilaa hadda lama oga sababta keentay xanuunka darwalka baska. Horay uguma aysan dhicin arrintan oo kale iyadoo wadda baska iskuulka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here