Nin ku dhalay 550 caruur ah shahwad ku deeqis oo la amray inuu joojiyo

0
103

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Nin u dhashay dalka Holland oo loogga shakisan yahay inuu waalid u yahay in ka badan 550 carruur ah, oo adduunka oo dhan ku kala sugan, isaga oo ku deeqay Shahwada, ayaa lagu amray inuu joojiyo ku deeqista Shahwadiisa.

Ninka oo lagu magacaabo Jonathan, oo 41 sabi jir ah, ayaa lagu ganaaxi doonaa in ka badan €100,000 (£88,000), haddii uu isku dayo inuu mar kale ku deeqo Shahwadiisa.

Waxaa sanadkii 2017-kii laga mamnuucay in uu ugu deeqo Shahwaddiisa xarumaha bacriminta, ama ku abuurista ilmaha haweenka ee dalka Holland, kadib markii ay soo baxday inuu ku dhalay hannaanka Shahwad ku deeqista in ka badan 100 caruur ah.

Laakiin halkii uu joojin lahaa, ayaa wuxuu ku deeqista Shahwadda uu u tallaabiyey meel ka baxsan dalka Holland oo dibadda ah, iyo Khadka internetka.

Maxkamad ku taalla magaalada Hague, ayaa ku war galisay inuu keeno liiska dhammaan rugaha caafimaadka ee uu ugu deeqi jiray Shahwadda, isla markaana waxay maxkamaddu ku amartay inay baabi’iyaan Shahwadda ninkani.

Ninkan ayaa la sheegay inuu marin habaabiyay boqolaal dumar ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here