Wadahadallada dowladda Itoobiya iyo Jabhadda Oromada oo ka billowday Tansaniya.

0
84

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Wajigii koowaad ee wadahadallada u dhaxeeya dowladda Itoobiya iyo jabhadda Oromada ee OLA ayaa ka furmay dalka Tanzania, sida uu wakaaladda wararka ee AFP u sheegay afhayeen u hadlay jabhadda.

Odaa Tarbii oo ah afhayeen u hadlay jabhadda Oromada ayaa sheegay in labada dhinac ee iska soo horjeeda uu wadaxaajood horudhac ah uga billowday Zanzibar.

Wakaaladda Wararka ee AFP ayaa sheegtay inaysan u suurtogelin xiriir ay la sameysay dowladda Itoobiya, kaas oo ku saabsan dhinaceeda warbxinta wadahadalladan.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa toddobaadkii hore ku dhawaaqay in wadahadalka jabhadda Oromada uu furmi doono Talaadada, balse ma uusan bixin wax faah-faahin ah.

Wasiirka arrimaha dibadda Tanzania Stergomena Tax oo la hadlay warbaahinta Talaadadii shalay ayaa sheegtay inay aqbaleen codsi ku aadan martigelinta wadahadalada, isla markaana wufuudda qaran ay bilaabeen in ay yimaadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here